Wiiil yar oo 11 jir ah oo la soo baxay la yaab dhanka kubada cagta ah isla markaana goor horeba qaatey magaca “Messi-ga cusub” & Messi-ga Jabaan” una dhashay dalka Jabaan ayaa la xaqiijiyey in ay heshiis rasmi ah kula wareegtey kooxda Barcelona ee dalka Spain ka dhisan.

 Mucjisadan yar oo lagu magacaabo Takefusa Kubo wuxuu ka soo caan baxay kuliyad dhanka kubada cagta ah oo ay magaalada Yokohama ee dalka Jabaan ku leedahay kooxda Barcelona waxaana laba sano ka hor uu qabsadey indhaha saxaafada iyo dadka ku xeesha dheer arimaha kubada cagta kuwaasi oo aad ula yaabay farsamada iyo xirfada dhanka kubada cagta ee inankan yar ku duugan taasi oo uu ku muteystey in loo xiro lambarka 10-aad ee kooxda Barcelona uu u qaato ciyaaryahanka Lionel Messi oo xiligan ah laacibka dunida.

 Kubo oo laga duubay muuqaalo isla markaana la soo galiyey baraha Internet-ka ayaa waxaa aad loola yaabay xirfada kubadeed ee la dhexmarayo difaacyada taasi oo keentey in loo aqooonsado “Messi-ga cusub” & Messi-ga Jabaan”.

 Arinta wiilkan yar oo ay isha ku hayeen maamulka kooxda Barcelona ayaa keentey in wiilkan iyo qoyskoodaba loo soo raro magaalada Barcelona ee dalka Spain si uu ugu biiro kuliyada soo saarista laacibiinta kubada cagta ee kooxda Barcelona ee lagu magacaabo La Masia  halkaasi oo ah meesha inta badan ay ku soo barbaareen laguna soo abibiyey kubada cagta laacibiinta xiligan ugu cad cad kooxda Barcelona oo uu ka mid yahay Lionel Messi.

Kuliyada La Masia  inta badan qofkii la geeyaa halkaasi ayuu nolashiisa ku qaataa isagoo reerkiisa booqasho ugu taga ilaa uu ka soo baxo oo uu dhameysto culuunta dhanka kubada cagta ah, laakiin wiilkan yar ee Kubo waxaa uu la nool yahay xiligan qoyskiisa isagoo halkaasi u taga tababarada oo kaliya sida uu qorey wargeyska Sport ee laga leeyahay wadanka Spain.

Kubo wuxuu noqonayaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee u dhashay Jabaan ee taariikhda gala buuga kooxda Barcelona oo xiligan ah horyaalka kubada cagta ee qaarada Yurub.

Link-ga video hoose ka daawo mucjisadan yar ee la baxay Messi cusub ee dalka Jabaan ka soo baxayr. Riix halkan

DAAWO

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London