Kaamka Badbaado oo ka mid ah Kaamamka ugu waaweyn ee ay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ka sameysay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo sheegayaa in dadkii ku jiray badigood ay faarujiyeen .

Maanta waxaa la arki karay dadkii barakacayaasha ahaa ee ku jiray Xeradaasi oo wadooyinka waaweyn dhexgooshaya iyagoo dadka weydiisanaya mucaawino ama dawarsanaya, waxaana badigood ay ku sugnaayeen wadada No 4 iyo Trebiyaano,

Mar aan la hadalnay Qaarkood ayaa waxay noo sheegeen in xerada ay u sameysay Dowlada KMG ah ugaga soo bexeen xaalado amaan dari ah iyo dhibaatooyin joogto ah oo halkaasi ay ugu geysanayeen qaar ka mid ah askar ku labisan Dresska Ciidamada DKMG ah iyo in halkaasi aysan kuheysan wax quudin ah wixii mucaawino la soo gaarsiiyaha aysan sida ugu haboon loo bixin, intaasi ka badana aysan saxaafada u sheegi Karin .

Dadkan Barakacayaasha ah ayaa ay dhowaan u dhistay dowlada KMG ah dhul weyn oo ay ugaga sameysay kaam si halkaasi loogu quudiyo deegaanka Dharkinley, waxaase iminka muuqata in dadkii soo barakacay ee halkaasi kujiray ay isgaga bexeen.

Sikastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa waxay ku soo aadeysaa xili isla maanta Muqdisho xero qaxooti oo ku taala ay ka dheceen falal amaan daro ah oo lagu laayay dad kor u dhaafaya 5 qof oo ka mid ah dadkii barakacayaasha ahaa.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.