Dadkaan barakacayaasha ah  ee horay u dagananjiray kaamka Buulo dhato kagadaalmnarkii lagaray kaamkaa aya wakhtigaan kacabanay hotla,aan .

Dadkaan oo tiradoodu gaarayso 150 Qoys ayaa wakhtigaan ah kuwo hoy la,aana oo dhaxanta Habeenkii iyo qoraxda maalintii ladegan.

Dadkaan ayaa in kaamkaan ay awal u daganaayeen si loogu siiyay sadaqa ah balse hada dadkii lahaa ayaa amar kusiiyeen in ay isaga guuraan.

Sh Bashiir Maxamed Daa’uud waa mid ka mid ah odayaasha kaamkaasi wuxuuna sheegay inay hada hoy iyo nolol toona aysan haysan ayna yihiin kuwa cidlayaala, asagoo baaqyo kaladuwan udiray maamul degmada Bosaso, Hay’adaha deeqaha bixiya,Ganacsatada iyo cidkasta oo gacan kagaysan karta maadaama uu sheegay in ay  xaladoda siixumaanayso.

Qaar ka mid ah Odayaasha Kaamkaasi iyo weliba xubno ka tirsan ayaa maanta waxa ay booqasho ku yimaadeen idaacada SBC iyagoona sheegay in arintani ay wax ka qabad mudantahay.

Majiraan ilaa iyo iminka cid ka tirsan Maamulka iyo Hay’adaga Deeqaha bixiya oo dadkan arintooda ka hadlay.

Feysal Farateeb
SBC International Boosaaso