Waxaa galabta lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose ee dagmada Garoowe kulan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala gadisan bulshada qaar ka mid ah hay’adaha Dowlda odayaal dhaqameed culima awdiin iyo hay’adaha caalamigaha qaarkood Sida Ha’yada NCA ,kulankaasi ayaa waxaa looga arrinsayay siddii dib u dajin loogu samayn lahaa dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalda garoowe.

Ugu horraynba waxaa kulanka furay duqa dagmada garoowe c/casiis nuur cilmi oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dhallinyaradaan dhulka deeqda ah bixisay ayna iyagu goob joog iyo maqraati ahaan ka noqonayaan ayna hormuud u noqonayaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah llona baahanyahay in wax loo qabto dadkaasi tabaalaysan.

Kulankaani ayaa intii uu socday waxaa looga dooday sida ugu habboon ee ay dadka baakacayaasha ahi ku heli lahaayeen dhul ay muddo dheer daganaadaan ,sandheerre cali liibaan iyo c/salaam xasan ducaale ayaa ugu deeqay dadka barakacayaasha ah dhul ku meel gaar ah oo ay dagananaanayaan muddo dhan 10sanadood taasi oo Ay si wayn u soo dhaweeyeen dhammaanba ka soo qayb galayaashii iyagoona wareejiyay qoraaladii ay ku cadaynayaan in dhulkaasi ay bixiyeen muddo 10sano ah ayna si rasmi Ah ugu wareejiyeen dowlada hoose ee dagmada garoowe iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakacayaasha oo iyagu xusay inay dhulkaasi u habayn doonaan dhul Deegaameed .

Yusuf c/qaadir  oo ah madaxa hay’ada NCA ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay  in dadka barakacayaasha ah loo helo dhul ay muddo dheer daganaadaan kana Wanaagsan goobihii ay horay u daganaanyeen “aad ayaan ugu faraxsanahay dhulka ay manta wareejiyeen nimankaan odayaasha ahi waana mid wax wayn ka badalaysa xaalada Nolaleed ee ay ku suganyihii dadka barakacayaasha ah ,iyo in aad marqaati ka noqotaan in aan hadhow laysku qabsan haddii la maal galiyo dhulkaani haba ahaatee in laga dhiso Halbalbalo oo aan hadhow laysku qabsan waana midda aan ka fogaanayno mararbadana yayna dhacday arrintaani “ayuu yiri yusuf c/qaadir oo ka hadlayay kulankaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaraa arrimaha gudaha ,horrumarinta reermiyiga iyo dowladaha hoose ee dowlada puntland c/laahi alkolo ayaa sheegay in wasaarada arrimaha guduhu ay Soo dhawaynayso ugana mahadcelinayo muwaadiniintii bixiyay dhukaani isagoo sheegay inay ka sii jeclaan lahaayeen inay si daganaansho fog ah loo siiyo dadkaani Barakacayaasha ah ee ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira koonfurta soomaaliya. oo Ha’yaddaha Caalamiga ah ay Goob Joog ka ahadaan sida Ha’yada NCA aoo wax badan ka qabatay Dhanka barakacayasha

Dhankooda waxaa iyana goobta ka hadlay shaqsiyaadkii dhulkaani ku deeqay oo kala ahaa c/salaan xasan ducaale iyo sandheere cali liibaan.

sandheere cali liibaan.oo ka hadlayay dhulkaani ay manta wareejiyeen ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay in uu ku deeqo dhulkaani uuna isagu khaas ahaan bixiyay dhul gaaraya 400m oo isku wareeg ah uuna dhulkaasi dib ugu soo noqon doono muddo 10sano kadib ah Sida heshiiska ku cad markaasi kadibna ay eegayaan xaalada markaasi taagan.

Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horraysay ee dhul noocaani oo kale ah lagu wareejiyo barakacayaasha magaalada garoowe iyadoona muddooyinkii ugu danbaysay ay jireen Murano ka taagnaa halka loo rarayo dadka barakacayaasha ah iyadoona qaar kood la geeyay duleedka bari ee magaalda Garoowe.

 Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC INternational Garoowe