Dowlada Turkiga iyo shacabkeeda ayaa deeq xoolaha Nool ah soo gaar siiyay shacabwaynaha ku dhaqan deegaanda Puntland, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah taasi oo loogu tala galay in udxiyo ahaan u qashaan lana wadaagaan faraxada ciidul adxaaga walaalahood amuslimiinta ah ee ku dhaqan wadankaasi Turkiga.

Maanta ayaa la bilaabay qalida 1000{kun}neef oo ari ah kaasi oo ay goob joog ka haayeen dadkii loogu tala galay qaadashada hilibkaasi deeqda ah iyo waliba madax ka socotay hay’adii deeqdaani keentay .

Deeqdaani ayaa waxaa soo gaarsiisay deegaanada Ppuntland hay’ad Turkish ah oo lagu Magcaaabo Qurbani aid for Somali People iyadoona ay fududaynaysa howshaani hay’ada Maxaliga ah ee lagu magacaabo Tadamun Social Society oo lakaashanaysay dowlada Hoose ee dagmada garoowe iyadoona goobtii xoolaha lagu qalayay ay isugu soo baxeen Qoysas tiro badan ku waasi oo horay loogu sii qorsheeyay qaadashada hilibkaasi iyadoona Qoys walba loogu tala galay inuu helo hal neef oo ari ah .

Maxamed C/qaadir Shiine Waa sarkaal sare oo ka tirsan hay’ada Tadaamun wuxuuna Saxaafada uga waramay qaabka ay u qaybainayaan xoolahaani iyo inta ay la egyihiin iyo Waliba inta goobood ee laga qaybiyay xoolahaani isagoo xusay in xoolahu ay Dhammaayeen 2200 oo ari ah ku waasi oo 1200 oo kamid ah lagu qalay magaalda Gaalkacyo ee xarunta gobalkaasi mudug halka 1000 neefna lagu qalay magaalada Garoowe ee caasimada puntland, shine ayaa sheegay in dadka laga soo kala xulay Bulshada qaybaheeda kala gadisan ayna arrintaasi fududaysay dowlada hoose ee dagmada Garoowe dadkana la siiyay kaarar inta aan loo qaybin deeqdaani hilibka ah.

Maxamed C/qaadir ayaa sidoo kale mahad ballaaran u celiyay shacabka iyo dowlada Turkiga oo uu sheegay inay ka qayb qaateen samata bixinta shacabka Soomaaliyeed ee ay Saameeyeen abaaraha iyo colaadaha isla socda ,waxaa iyana goobka kahadlay madax ka Socotay hay’ada qurbani oo sheegay inay u yimaadeen deegaanada Puntland inay goob Jog ka ahaadaan qaabka loo qaybinayo deeqdaasi ayna ku faraxsanyihiin in si wanaagsan Ay ku soo dhammaato .

Tan iyo markii ay abaaruhu ku dhufteen Somalia gaar ahaan Gobalada Puntland waxa isa Soo taraysay deeqaha kala gadisan ee ay soo gaarsiinayso dowlada Turkigu iyadoona Dhawaanta ay ahayd markii dhakhaatiir ka socotay wadankaasi turkiga ay soo gaareen Puntland kana fuliyeen daawayn iyo qalliino lacag la’aan ah.

Tanina waxa ay qayb ka tahay deeqahaasi ay dowlada iyo shacabka Turkigu ugu tala galeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Filo Sawiro…

C.casiis Ibraahin Axmed {Okey}
SBC International Garoowe