Qaar ka  mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Baladweyne xarunta gobolkaasi Hiiraan ayaa soo dhaweeyay Hay’adaha Samafalka ah ee dib u soo laabtay Magaalada Baladweyne,

Waxa ay sheegeen qaar ka mid ah Barakacayaasha oo la hadlay SBC In ay ku faraxsanyihiin so laabashada hay’adaha samafalka ah ee ka howlgali jiray xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha.

Hay’adahaas ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay saan saanta soo laabayashadooda laga dareemayay goobihii ay ka howlgali jireen waxaana sida ay xaqiijiyeen dadka barakacayaasha qaar

Barakacayaasha ayaa sidoo kale ugu jeediyay Baaq in hay adahaasi ay sida ugu habeen ugu bilaabaan howlijii ay uqaban jireen taasi oo ay dadku sid aad ah ugu baahan yihiin.

Hay’adahani ayaa intooda badan ka cararay magaalada Baladweyne xarunta Gobolkaasi Hiiraan ka dib markii ay mamnuuceen maamulkii halkaasi ka arimin jiray ee lagala wareegay waa Xarakada Alshabaabe.

Sikastaba ha ahaatee soo dhaweynta dadkani ayaa waxa ay ku soo aadayaan xili ay ka cabanayeen xaalado nololeed oo soo wajahay  intii ay halkaasi ka maqanaayeen hay’adahaasi oo inta badan dadka gargaari jiray.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe