Kaamamka baracayaasha Shebele iyo Jawle ee magaalada Garoowe ayaa tababar mudo  sadex maalmood uga socday Xaruntooda kaamka Shabelle  loogu soo gabo gabeeyay kaas  oo ay ku baranayeen faya dhowrka nadaafaadda sidii ay bulshada ay ku dhex nool yihiin uga wacyi galin lahayeen kuwaas oo u nugul xanuunada faafa sida shubanka iyo kuwa la mid ka ah.

Barnaamijkaan oo ay iska kaashanayeen Ha’yada IOM iyo ururka Maxaliga ah ee Tides ayaa waxaa ka soo qayb galay  saraakiil ka socotay Ha’yada wada qorshahan dadka laga digayo in ay ka fogaadaan waxyabaha keena xanuunada oo dhanka nadaafad xumada ah,

Kamaal Daahir Ciiro waa Madaxa masharicda Ururka Tides  waxaa uu ka waramay sida dadka loo qabtay tababarkan ay uga faa iideysteen isagoona sheegay in ay ka heleen waxyaabo badan oo ka maqnaa hada ka dibna ay ku rajo weyn yihiin in ay ku dhaqmidoonana gaarsiina doonaan dadka kale ee aan fursadani soo marin

Isuduwaha Gobolka Nugaal  ee  Ha’yada biyaha iyo Korontada ee Paswayn waxa uu kula dardaarmay in ay dhowran nadafada si ay uga badbadan xanuunada isagoo intaasi ku daray in ay wadaan qorshayaal ay ku soo gaarsiinayan  Goobaha barkacayasha biyo nadiifa.

Madaxa Caafimadka Ha’yadda IOM Xusen Xasan Xusen   waxaa uu kawaramay isagana ujeedka ay dadkaan u tababarayan  iyo  faa’idooyinka  ay ka dhaxli karaan tababarkan, isagoo intaasi ku daray in ujeedad ugu weyn ay tahay sidii dadka u nugul xanuunada gaar ahaan kuwa ka dhasha nadaafad xumida ka jirta deegaanada ay ku dhaqan yihiin.

Cismaan Aburkar sheikh waxaa uu ka mid yahay dadka loo tababaray in ay ka shaqeeyaan faya dhowrka  waxaa uu  uga mahad celiyay ha’yadii soo qaban qabiyey isagoona sheegay in tababarada ceynkan oo kale ah ay yihiin kuwo aad loogu baahanyahay dadkuna ay ka faaiideysanayaan.

Waa tababarkii labaad oo kamamkan laga qabto laguna barayo nadafada kuwaas oo garayey labatan iyo afar qof.

Sawiro