Barkacayaasha ku dhaqan kaamka shabeele oo ku yaala duleeda bari ee magalaada garoowe ayaa ka cabanaya biyo la,aan baahsan oo haysta

Dadkan barakacyaasha ah ee ku dhaqan Kaamkaasi aya sheegay  in ay dhibaato ka haysto helitaanka biyaha madaama kaamka ay daganyihiin uu magaalada ka durugsan yahay uusana  lahayn ceelbiyood

Qaar kamid ah dadka barkacyaasha iyo danyarta kaamka degan ee ay heysato xaalada nololeed iyo biyo laanta ayaa waxa ay sheegen  in dhibaato xoogan ay ka haysato helitaanka biyaha isla markaana biyaha kharaar jirgaankii laga siiyo 3kun oo shilin Somali ah halka caagada biyaha macaana ay ka bixiyaan 5kun oo shilin Somali ah

Xiligan lagu jiro oo ah xiliga jilaal ah oo ay badi yaraadan biyaha ceelashu waxaana shaki ku jirin in bilaha soo socda ay kor u sii kici doonan qiimaha ay biyaha ay ku helaan dadkan barkacyaasha ah hadii aan wax laga qaban waxaa ay sababi kartaa in ay khatar gasho nolosha dadka isla makraana goobta laga guuro.

 bb 3 bb

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe