Bangigaan maanta xariga laga jaray oo lagu  magacaabao Salaama Bank Puntland ayaa maanta waxaa xaflad balaaran loogu qabtay xarunta Cilmi barista iyo horumarinta  Puntland ee PDRC taas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socday Maamulka Puntland, Mamulka Bangiga cusub ee salaam Puntland bank ,mas’uuliyiin ka socotay shirkada isgaarsiinta ee Golis ,haween ,dhallinyaro  iyo sidoo kale oday dhaqameedyo lagu casumay xalada furitaanka bangifaani cusub.

Gudoomiyaha Bangiga Salaam ee Puntland Maxamed Jamaca Xaashi ayaa ka hadlay ujeedka loo furay Bandgigaan iyo waxaa uu yahay isagoo xusay in baankaani uu yahay mid islaami ah oo qaban doona dhammaanba waxyaabaha ay qabtaan bangiyada islaamiga ah ee caalamiga ah.

Wasiir ku xigeenka Wasarada Maliyada Puntland Cabdi ibraahim Warsame oo isagu ka mid ahaa mas’uuliyiintii goobjooga ka ahaa firitaanka bangiga  si rasmi ahna Xariga uga jaray ayaa sheegay in ay Maamulka Puntland  soo dhawaynayan Bangiyada nocaan oo kale ah  qaybna ka qaadan kara waxtarka bulshda isla markaasna kawaramay Faa’idooyinkiisa.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay isimo uu ka mid ahaa Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka soo sheekeyay bangiyada hada ka jira Somaliya iyo Calamka intiisa kale balse kula dardaarmay Baankaan Salam in ay muujiyaan Aaminaad iyo Wada shaqayn hufan oo ay la yeeshaan bulshd aqaybaheeda kala gadisan .

Furitaanka bangigaan cusub ee magaalda Garoowe waxa uu ku soo aadayaa iyadoo dalka maraykanka laga mamnucay lacagiihii dadku ay ka soo diri jireen bishii aynu ka soo gudubnay  ee sanadkii tagay.

SAWIRO



Maxamed Siciid yuusuf
SBC International Garoowe