Amaanka garoonka diyaaradaha ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo weliba wadooyinka waaweyne e magaaladaas ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo ay soconayaan qaban qaabo aad u sareysa taas oo loogu soo dhaweynayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Manki moon oo manta lagu wado in uu soo gaaro xarunta dalka.

Maanta oo jimco ah ayaa la shaaciyay in uu ku soo beeganyahay magaalada Muqdisho ninka ugu sareeya Jikciyada Qurumaha ka dhaxeysa Mr Banki moon, waxaana la filayaa in uu Muqdisho kala kulmo soo dhaweyn aad u sareysa sida ka muuqata Qaban qaabada soconeysa.

Saraakiisha sar sare ee Xukuumada uu horkacayo Madaxweyne Shariif Sheeq ayaa ku jira u diyaar garow sare, iyadoo amaanka magaalada iyo madaxtooyada Somalia siweyn loo adkeeyay.

Wararka xiga ayaad ku arki doontaan waxii warar ah ee soo kordha

 

SBC International Muqdisho