Xog hayaha guud ee jimciyada qurumaha ka dhaxeysa mr Banki Moon iyo wafdi balaaran oo ka socda qaramada midoobay ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada caasimada ah ee Muqdisho .

Wafdigaani ayaa waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cade, masuuliyiinta sar sare ee Xukuumada KMG ah sida raiisul wasaaraha xukuumada dr C/weli gaas iyo qaar ka mid ah labada gole sida golaha wasiirada oo xubno ay ka socdeen iyo golaha baarlamanka uu ay isagana xubno ka socdeen.

waxaa sidoo kale soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan masuuliyiinta gobolka iyo degmooyinka iyo weliba Ciidamada Amaanka iyo kuwa baambeyda oo iyagu halkaasi ku soo bandhigay salaan sharaf aad u qurux badan iyo gaado ka ciyaar.

Markii uu soo degay Wafdiga ayaa ka dib soo dhaweyn loo sameeyay waxa loo gelibiyay dhanka madaxtooyada xukuumada, halkaas oo ay kulan balaran ku wada qaateen madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheeq inkastoo aan weli laga helin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha laga wada hadlay, waxayna qaban doonaan dhowaan kulan saxaafadeed lagu war bixinayo.

Halkan ka daawo Sawiro


bidix,, Safiirka Somalia ee Qamarada Midoobay, Dhexe Xogyahaga guud ee Qaramada Midoobay, Midig,, Raiisul wasaare Gaas

Ciidamada baanbeyda DKMG ah oo soo dahweynaya Banki moon.


madaxweynaha DKMG iyo Banki moon oo is gacan qaadaya.

Banki moon iyo Haween ka tirsan wasarada Haweenka DKMG ah oo is gacan qaadaya.

Sawirada by, raido Muqdisho