Boosaaso- Xaflad aad u blaaran oo maanta lagu qabtay Xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa xariga looga jaray Bandhig Carweedka  Caalamiga ee Puntland oo ah kii ugu horeeyay ee Noociisa ah oo lagu qabto Magaalada Boosaaso.

Xaflada Furitaanka Carwadan waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamed Cabdi Aadan Wasiirka Amniga ee Puntland  Gen. Yuusuf Axmed Kheyr  Wasiirku xigeenka Howlaha guud ee Puntland C/shakuur Mire Aadan & Masuuliyiin kale oo ka soctay Dowlada Puntland

Docda kale xaflada waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa Rugta Ganacsiga ee Puntland Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga & Warshadaha Maxamuud Xayir Ibraahim Kuxigeenkiisa Koowaad Siciid Xuseen Ciid & Mmasuuliyiin kale oo ka mid ah Rugta Ganacsiga & Warshadaha

Ugu horeyn Xafladan waxaa ka hadlay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo sheegay in muhiimada Bandhiga Carwada Ee Puntland loo qabtay ay tahay in Shirkadaha & Ganacstada Deegaanada Puntland ay soo bandhigaan Adeegyo kala duwan oo ku saabsan Ganacsigooda iyadoo Qiimo Jaban la siinayo, Gudoomiyaha ayaa sidoo kala Amaanay Doorka ay ka qaateen Ganacsatada Deegaanada puntland kaalinta ay ka qaateen Bandhiga Carwada Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Ku xigeenka Gudoomiyaha Rugta Ganacisga Puntland oo xusay in Shirkadaha Qaar ay goobtan ku soo bandhigi doonan Bakhtiyaa nasiibyo qaali ah islamarkaasina shacabka ugu baaaqay inay ka faaideystaan Bandhiga Carwada lagu soo bandhigay.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika … ayaa isaga lagu soo dhaweeyay bacdamaa Jaamacada Bariga Afrika ay kaalin Muhiim ah ka qaatay Bandhigay iiyada oo bixisay goobta lagu qabtay waxaana uu gudoomiyihu sheegay in Muhiimad siinta Ganacsiga & horumarinta Puntland ay u qabteen arimahani.

Intaasi ka dib waxaa Goobta Carwada waxaa lagu soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Puntland oo isna docdiisa amaanay Ganacsatada & rugta Ganacsiga oo uu sheegay inay sameeyeen Kaalin Lama ilaawaan ah waxaana uu xusay in loo baahan yahay sida horumarka looga shaqeynayo in looga shaqeeyo Amaanka Deegaanada Puntland

Wasiirka Ganacsiga ee Puntland  Xasan Jaamac Xasan  islamarkaasina xariga ka jaray Carwadan Caalamiga ah ayaa waxaa uu sheegay in Ganactada Deegaanada Puntland ay mudan yihiin in lagu daydo Bacdamaa ay ka shaqeeyeen Arin ku dayasho mudan oo ay Carwadan ay soo bandhigeen.

Xaflada oo ahayd mid ay ka soo qeybgaleen Dadweyne Farabadan oo si aad ah u soo buux dhaafiyaya Xarunta Carwada lagu qabanayo banaankeeda & gudaheeda ayaa waxaa ay dadku si aad ah u danneynayeen inay arkaan bandhiga ay soo bandhigayaan Ganactsada.

Gudaha Goobta Carwadan lago bandhigaya waxaa muuqaalkeeda uu ahaa muqaal Qaali ah oo la oran karo qofkii tagaa waxaa uu u qaadan karay inuu ka adeeganayo Qaar ka mid ah Suuqyada Caalamka waxaana dadka qaarkii ay halkaas si degdeg ah uga iibsaneyeen Adeegooda Ganacsiga si la amid ah Suuqyada Magaalada

Shirkadaha Ganacsigooda halkaas ku soo bandhigay Waxaa guud ahaan ay ku jireen tartaran waxaana qaar ka mid ah shirkadaha ay maacaamiishooda siinayeen agabyo kala duwan oo ay ugu talagaleen inay ku soo jiitaan Macaamiisha & Dadweynaha iminaya Xarunta Carwada

Shirkadaha Macaamiishooda Soo jiidashada u sameynayay waxaa ka mid ah Shirkada Ganacsiga Guud ee Towfiiq General Trading, Shirkada Oma Iley, Shirkada Cabitaanka Ilatango,Warshada Kaluunka Laasqorey, Shirkada Golis, Bangiga Salaam Puntland ,& kuwo kale oo aad u farabadan.

SBC International Monitoring