Banaanbaxyo ay dhigayaan boqolaal gaaraya oo ka careysan iscasilaada la sheegay in uu ku dhawaaqayo Ra’isalwasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabudlaahi Farmaajo ayaa ka oogan qaybo fara badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Banaanbaxyada oo ka soconaya degmooyinka ay gacanta ku hayso dawlada KMG ah ayaa waxay wataan calanka Soomaaliya, boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay kaga soo horjeedaan talabaada iscasilaada Ra’isalwasaaraha, waxaana ay sheegeen inay ka soo horjeedaan go’aankaasi.

Dadka banaanbaxaya ayaa isagu soo baxay isla markaana socod ku maraya wadada Maka Al-Mukarama halkaasi oo gabi ahaanba ay joojiyeen isu socodkii gaadiidka dadweynaha, waxaase wadada si teel teel ah u isticmaalaya ciidamada Dawlada & kuwa AMISOM.

Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in waddada aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho illaa waddada Maka Al-mukarama ay dadweynuhu isku xiran yihiin, Laamiga.

Agagaarka Tiyaatarka Qaranka, Taalada Dhagaxtuur iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo ku dhow xarunta Madaxtooyada ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha ay isugu soo baxeen dadweynaha careysan ee banaanbaxa sameynaya.

Axmed Aar
SBC News Desk