Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa a ka Dhacay mudahaaradyo Balaaran oo looga soo horjeedo Doorashada Soomaaliland .

Magaaladda Hadaaftimo ee g/Sanaag ayaa kamid ah goobaha ay banaanbaxyadaasi kadhaceen .
Qaar kamida Dadkii banaanbaxayay ayaa SBC oga Waramay, Sida ay dadka deegaankaasi u muujiyeen Shucuurtooda ku aadan doorashada Somaliland.

DHAGEYSO CODKA BANAANBAXAYAASHA :

Dhinaca kale Agasimaha Warfaafinta,Wacyigalinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf jibriil ayaa isagoo kusugan xingalool ,sanaag, Beeniyay in gobolka sanaag wax codayn ah ay kadhacday ,waxana uu sheegay in shacabku ay kasoo horjeesteen doorashadaasi.

DHAGEYSO WAREYSIGA AGAASIMAHA :

Mudaharaadadan ayaa kusoo aadaya Xili Deeganada somaliland ay kabilaabatay codbxinta doorashada madaxweynaha cusub ee somaliland ee shanta sano ee soo socota.

Ma jiraan Wax dhibaato ah oo ka dhacay goobaha mudaharaadada kasocdeen.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY EE DOORASHADA S-LAND.