Stadium Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaan bax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha maamulka gobolka Banaadir ee caasimada dalka, kaas oo loogu yeeray dibad baxii guusha,

Boqolaal dadweyne, saraakiisha maamulka Gobolka iyo degmooyinka qaar Muqdisho, qaar ka mid ah Masuuliyiinta sare ee dowlada iyo labada gole ee xukuumada DKMG ah ayaa goob joog ahaa banaan baxaasi .

Hadalo kala duwan ayaa halkaasi laga soo kala jeediyay, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Raiisul wasaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas, isagoo halkaasi ka sheegay in banaan baxani uu yahay mid loogu banaan baxayo guulihii dowlada KMG ah ay ka soo hoyeen dagaaladii Muqdisho sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu taabtay Raiisul wasaare Gaas arimo dhinacyo badan leh, sida in xarakada mujaahidiinta Alshabaab aysan muqdisho kaga bixin arimo kale aan ka aheyn in ay ka soo baxday xaqii iyo tacadigii ay u geysteen dadweynaha Soomaaliyeed .

Waxa uu halkaasi sidoo kale ka carabaabay in Xarakada mujaahidiinta Alshabaab ay mudooyinka soo socda ka saari doonaan guud ahaan dalka,

“Waxaan rajeynayaa goor dhow in Somalia laga Xureeyo Alshabaab, anagoo u galeyna Dadaal aad u balaaran oo kutala gal leh” aya aka mid ahaa hadaladii Raiisul wasare Gaas uu u sheegay shacabka uu ka hor hadlayay.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/08/Gaas-goodis-Cod4.mp3|titles=Gaas goodis Cod4]

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday raiisul wasaaruhu arimaha dadka caadeystay in ay dhacaan raashinka mucaawinada ah ee la soo gaarsiiyo dadka tabaaleysan ee ay halakeysay Abaarta ba’an ee dalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay in dadkaasi waxa ay ku kacayaan eysan aheyn mid loo dulqaadan karo, waxaanu wacad ku maray in ay la dagaalamayaan dadkaasi sida ugu xuna ay ugaga hortagayaan.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/08/Gaas-Abaaraha-Cod3.mp3|titles=Gaas Abaaraha Cod3]

Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir Mr tarsan ayaa halkaasi ka hadlay iyagoona taabtay arimo farabadan oo muhiim u ah qaranka iyo xaaladaha ugu weyn ee haatan dalka ka jira .

Maxamed Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa isna tilmaamay in kooxihii dowlada la dagaalay ay u jilba jabsadeen in ay ku dhexmilmaan shacabka iyagoo sheeganaya qabiil taasna ay tahay mid aan la ogolaankarin islamarkaana ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka hortagaan.

Sikastaba ha ahaatee banaan baxay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ceynkiisa oo lagu qabto muqdisho tan iyo markii ay isaga bexeen magaalada Xarakada Shabaab Almujaahiiin.

SBC International Muqdisho