Banaanbax lagu taageerayay Howlgalkii Ciidamada Maraykanka ay kusoo furteen ajanabigii afduubka loogu haystay gobolka Galgaduud ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Dibadbaxaani oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Glamudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa lagu taageerayay howlgalka habeen ka hor ay Ciidamada Maraykanka  kusoo furteen labo Muwaadin oo u kala dhashay wadamada Maraykanka iyo Denmark kuwaasi oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Barxadda Cabdulaahi Ciise Max’ud ayaa banaanbaxayaasha markii dambe ay isugu tageen halkaasi oo ay ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Max’ud Guure Guuleed oo banaanbaxayaasha la hadlay uu sheegay in diinta Islaamka aysan qabin in la afduubto qof bini’aadan ah.

Habeen ka hor ayaa Ciidamo Maraykanka ah oo si gaar ah u tababaran waxa ay soo furteen labo Muwaadin oo cadaan ah oo ay gacanta ku hayeen Kooxo burcad badeed Soomaalida, iyadoo howlgalladaasi intii ay socdeen ay ku dhinteen ilaa 9-ruux halka 5-kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa Kooxihii burcad badeeda

liibaan c/laahi faarax {liibaan qaran}
SBC International Hargeysa