Kampala:- Iyadoo maalimihii u dambeeyay meelo badan oo dunida ah ka dhacayeen banaan baxyo waa wayn oo looga soo horjeedo heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala ee xurunta wadanka Uganda ayaa mid la mid ah  wuxuu ka dhacay xaafada Soomaalida ay u badan tahay ee Kisenyi ee magaalada Kampala, kaasoo lagu taageerayay inuusan xilka iska casilin R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo.

Dadkii isugu soo baxay hoolka shirarka ee Jaalidda Soomaalida Uganda ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku xardhan yihiin Calanka Soomaaliya, sawirka R/ wasaare Farmajo iyo halkudhigyo ka turjumaya shucuurtooda iyo taageeradda ay u muujinayaan xukuumada KMG Soomaaliya.

Isu soo baxan ayaa waxaa soo abaabulay bulshada qeybaheeda kala duwan sida Hooyooyinka, Odayaasha Dhaqanka , Dhalinyarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee  waddanka Uganda .

Maryan Cadaawe oo ka mid ah dadka soo abaabulay isu soo baxaan ayaa sheegtay in u jeedada isu soo baxaan uu yahay taageeridda  loo hayo R/Wasaare Farmaajo iyo Xukuumaddiisa tayada leh.

Maxamed Cabdi Gaas oo furay isu soo baxan ayaa si kooban uga hadlay u jeedada banaanbaxan asagoo ku dheeraaday wax qabadka iyo taageerada ay u hayaan xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo.

Zahra Ceynte oo ayaa qudbad aad u qiira badneed oo ki cisay dhamaan shucuurta dadkii kasoo qeyb galay ka jeedisay aya ugu baaqdoonay Maxamed Sheikh Shariif inuu xilka iska caliso hadii ay dhacdo in R/wasaare Faramaajo is casilo maadaama ay hal dhufeys iskula jiraan.

Isu soo baxaan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada kampala ee caasimada dalka Uganda, kana qeyb galeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  dalkaasi si ay usoo bandhigaan dareenkooda ku aadan heshiiskii DFKMG ah ee ka dhacay  caasimaddan kampala.

Aamina Faarax Shire oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika gaar ahaan dalka  Canada, taasoo ka mid ahayd dadkii ka qeyb galay isu soo baxa iyo weliba guddiga qabanqaabada ayaa sheegtay in maanta la taagan yahay xilligii la midoobi lahaa, gacantana la is qaban lahaa.

Intaas waxay ka loo  raacisay Aamina inay Soomaalida  taagan tahay  waqtigii ay ugu rajo wanaaganeyd.
Ugaas Xasan , Khadar Warjiid iyo Xuseen Aabaa-yaabay ayaa sidoo kale dhamaantood sheegay in banaan baxan aysan jirin cid lacag kusoo siiyay oo ay jaabkooda ka bixiyeen lacagta, hadalkan ayaa jawaab u ahaa hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa in banaan baxayaasha lacag ka qaateen sida uu sheegay dad dana gaar ah leh.

Sidoo kale banaanbaxay ayaa waxaa soo qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka socday dowlada wadanka Uganda ayagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in Soomaalidu maanta midowbaan ayagoo  carabka ku dhuftay kol haddii Soomaalida midowday inay soo dhawaatay nabad ka dhalata  dalka Soomaaliya  oo  muddo dheer ku jiray  dagaalo sokeeye oo intoo badan galaaftay dad iyo duunyo.

Ka soo qeybgalayaasha  baxani ayaa waxay ballan qaadeen in nabad ku soo dabaalidda dalka ay u korayaan geed dheer iyo mid gaaban islamarkaana ay naftooda iyo maalkooda  u hurayaan dalkooda hooyo.

DAAWO SAWIRADA

 

 

 

Axmed-Saadaq  Yuusuf
SBC Kampala-Uganda