beesha jareer1 
Soomaalida deegaanka ku leh gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Beesha degta deegaanada gobolkaas ee Jareerweyne ayaa magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ka dhigay banaan bax balaaran oo ay cambaareyn ugu jeediyeen madaxda sar sare ee dowlada federaalka Soomaaliya siiba madaxweynaha Soomaaliya.

Shacabkan Soomaaliyeed ee ku banaan baxay Magaalada Gaalkacyo ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdooyin qalafsan oo ay sheegeen in ciidaamada dowlada federaalku ugu geysteen deegaano ku yaala gobolka shabeelaha dhexe,

Waxay sheegeen in ciidanka iyo hubkii qaranka loo adeegsaday in lagu gubo deegaanadii ay degenaayeen, dowladiina ay la safatay beel ka mid ah laba beel  oo ay xurgufi ku dhexmartay gobolkaas.

beesha jareer2

Dadkan banaan baxayay ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen beesha Jareerweyne waxayna tilmaameen in iyagoo beero falato ah lagu tilmaamay in ay ka mid yihiin xarakada Alshabaab taasina ay ka dhigteen madaxda dowlada siiba madaxweynaha Soomaaliya wado uu u soo maro gubista 20tuulo oo deegaan u ahaa.

Dhageyso Dadkan rayidka ah oo banaabaxa ka hadlaya. RIIX AMA DAAR

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay wararka ku aadan colaadaha ka jira gobolka Shabeelaha dhexe, kuwaas oo lagu xusayay in ay jiraan khasaare naf iyo maalba leh iyo deegaano badan oo dab la qabadsiiyay, waxayna ugu dambeyntii ku soo biya shubatay eedeynta ah in dowlada federaalka Soomaaliya ka qeyb tahay beel ka mid ah beelaha dega deegaanadaasina u geysatay xasuuq.

SBC International Gaalkacyo.