Isoo baxaani oo ahaa mid ballaaran ayna ka soo qayb galeen boqolaal barakacayaasha ka soo kala jeeda Gobalda Baay ,Bakool ,Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose ee ku sugan magaalda garoowe ee caasimad apuntland ayaa ahaa mid ay bulshawayntaasi jawaab uga dhigayeen hadal ay maalinimadii shalay ahayd war baahinta ka sheegeen mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda beelah digi iyo mirifle,sidoo kale banan baxaani ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay dowlada puntland,maamulka Gobaka Nugaal iyo Kan Dagmada Garoowe .

Ku waasi oo sheegay in dadka ka soo jeeda beelahaasi ee ku sugan deegaanda puntland loogaysto tacadiyo kala gadisa oo ay ka mid tahay dil, dhac iyo xarig aan cadaallada la horkeenin iyagoona ku hanjabay inaysan ka qayb gali doonin wajiga labaad ee shirka wada tashiga ee dhwaanta lagu wado in lagu qabto magaalada Garoowe uguna baaqay maamulka puntland inay arrimahaasi wax ka qabo .

Banaan baxayaasha ayaa ku dhawaaqqayay erayo ka dhan ah xildhibaanadaasi “Dooni mayno Puntland diide ,Dooni mayno Doolar qaate Dooni mayno dira Diraalaha”ayay ahayd erayadii ay maanta Banana baxayaashu ku dhawaaqayeen, socod dheer oo ay kuy soo mareen wada wayn ee laamiga ah ee isku xirta magaalada Garoowe waxay Gabagabadii isugu soo uruureen Barxada wayne ee kutaala Bartamaha magaalada Garoowe halkaasi oo ay kula hadleen mas’uuliyiin,nabadoono iyo saraakiil horay uga tirsanaan jiray ciidamdaii xooga dalka soomaaliyeed oo dhammaantood ka soo jeeda gobalda Bay iyo Bakool ,kuwaasi oo gaashaanka u daruuray hadaladii shalay ka soo yeeray xildhibaanda ka soo jeeda Gobaladaasi.

Isaaq maxamed cabdi waa guddoomiyaha Barakacayaasha Gobalka Nugaal wuxuuna ka Hadlay arrintaani isago sheegay in kuwa hada sheegay inay u doodayaan ay ahaayeen ku Markii horaba ka soo barakiciyay guryahoodii intaasi oo masaafa ahna soo mariyay Shacabwaynaha ku dhqan deegaanda puntland ay siwanaagsan u soo dhaweeyeen dadka Barakacayaasha ah loolana dhaqmo si xushmadi ku dheehantahay ayna u hayaan Bulshada Reer Puntland iyo Dowladoodaba abaal wayn.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay goobtii dadku banana baxa ka dhigayeen nabadoon ka soo jeeda gobaladaasi kaasi oo uu sheegay in puntland aysan mudnayn in aflagaado loo gaysto badalkeedana ay leedahay in loo mahad celiyo aana la gudi Karin

Dowlada puntland ayaa iaydu iska fogaysay eedaymahaasi ay u soo jeediyeen xildhibaanda ka soo jeeda beelaha Digil iyo mirifle wasiirka amniga ee dowlad puntland Col.khaliif ciise mudan oo arrintaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in ciddii wax u dhimaysa ammaanka guud ee deegaanada puntland la qabanayo iyada oo aan loo eegayn halka ay asal ahaan ka soo jeedo wasiirka ayaa intaasi raaciyay in dadka ugu badan ee ka shaqaysta puntland ay yihiin dadka ka soo jeeda Gobalda Baay iyo Bakool ayna six or ah uga dhax shaqaystaan walaalahood ,mudanayaashaasina aaysana ahayn kuwa qaran balse ay u muuqdaan inay yihiin kuwa qabiil.

Jawaabta barakacayasha ku dhaqan deeganada puntland ayaa waxay waji gabxa ku tahay shir jaraa’id oo ay maalinimadii shalaya hayd qabteen mudanayaasha ka soo jeeda gobalda Baay iyo Bakool oo ay ku sheegeen in dadka ka soo jeeda gobaladaasi ee ku sugan puntland loogaysto xasuuq aan kala joogsi lahayn iyo waliba xarig aan loom eel dayin .

Filo Sawirada goor dhow…….

Yusuf Maxamed Maxamuud{Yusuf yare}
SBC International- Garoowe