Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa xaqiijiyey sida ay isku soo tarayso  dulqaadan la’aanta Qaramada Midoobay ee la xiririta khilaafka ee u dhaxeeya hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, isagoo hadalkan ka jeediyey magaalada Adis Ababa ee casimada Itoobiya oo uu kaga qayb galayey shir madaxeedka Midowga Afrika.

Mr. Ban ayaa ku ammaanay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM, waxa uu ugu yeeray “Guulaha isdaba joogga ah” ee ay ka gaareen kooxaha kula dagaalamaya magaalada Muqdisho ee  xarakada al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay wuxuu intaa raaciyay, in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha caalamigu uu ka “dhammaanayo dulqaadka ay u hayeen xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan hoggaanka Soomaalida.”

Wuxuu sheegay in xukuumadda iyo baarlamaanka ay waajib ku tahay inay muujiyaan horumar ku aadan qorista dastuur cusub, dib u heshiin la dhex dhigo kooxaha faraha badan ee Soomaalida, bixinta adeegyada aasaasiga, iyo xoojinta amniga.

Hadalka ka soo yeeray Ban Kim Moon  ayaa soo baxay iyadoo isla shalay arbacadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu magaalada Nairobi kula shiray dowladda KMG ah iyo maamulada Puntalnd, Galmudug, iyo Somaliland.

Keyse Caamir
SBC News Desk