Agaasimaha ladagaalanka burcad Puntland C/risaaq  Maxamed Dirir Ducaysane  iyo  wasiirka  dakadaha Puntland Siciid Maxmed Raage  shir jaraaid oo ay siwada jir ah  ugu qabteeen hotelka  Galobal ee magaalada Garawe  waxay ku soo  bandhigeen 14badmaax oo u dhashay dalka Myanmar oo ka mid ahaa  25 badmareen  oo burcad  badeed mudo dhowr bilood ah ku  haysteen deegaanka  garacad halkaasi oo ay ku degtay doontii  ay saarnayeen 6 lix kamid ah  badmareenadina ay ku geeriyoodeen walina  kooxaha burcad  badeeda ah waxaa gacantooda ku jira 5 kamid ah  shaqaalihii doontaas dagtay  ilaa hadana lama oga sababta keentay in doontaasi deegto,  wakiilo ka socday haayada unka ayaa sheegay  in ay   dadaal ugu jiraan sidii badmareenadaa dalkoodii  loogu celinlahaa

Agaasimaha hayaada ladagaalanka burcad badeeda ee Puntland C/risaaq Maxmed Dirir ayaa shirkiisa jaraaid  waxaa  uu ku sheegay  in ay  hayadaha  caalamiga ah ka codsadeen  in ay ka caawiyaan dowlada sidii  dhibayaashaa dib loogu  celinlahaa  dalkood iyagoo ka codsaday kooxaha burcad badeeda in ay sii  daayaan shaqaalaha kale ee ay gacanta ku hayaan oo saarnaa doontaa dagtay hayaada

Waxaana uu sheegay  14kan badmaax sii dayntooda ay gacan wayn  ka gaysteen  dadkii deegaanka oo markii doontii dagtay ay kooxaha burcad badeeda ah ay dhanka beriga ula dhaqaaqeen,

Sikastaba ha ahaatee Shaqaalahan lagu guulaystay in la soo  badbaadiyo ayaa sheegay  in lixda dhimatay ay udhinteen cuduro soo wajahay intii gacanta ku hayeen burcadbadeedu ,

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in  dalkooda loo duuliyo sida  uu sheegay agaasimaha ladagaalanka burcadbeeda Puntland oo kaashanaya haayadaha(UNDP IYO UNODC)

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe