Xafladaani oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacada PSU ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal dadwayne ah ku waasi oo isugu jiray madax ka socotay dowlda Puntland oo uu ugu horreeyo madax wayne ku xigeenka Puntland Gen.C/samed Cali shire ,Guddoomiya baarlamaanka C/rashiid Maxamuud xirsi ,wasiiro ,xildhibaano ,isimo,cuqaal ,Culima awdiin,aqoonyaho ,Haween ,iyo dhallinyaro kuwaasi oo dhammaantood lagu casumay ka soo qayb galka xaflada caleema saarka ahayd  baashiga cusub ee beesha reer cumar baashe C/laahi Maxamuud Awcismaan .
 
Intii ay xafladu soctay waxaa halkaasi ka hadlay madax isugu jiratay culima awdiin isimo ,abwaano iyo Haween kuwaasi oo dhammaantood isla raacay inay soo dhawaynayaan isimkaani cusub sidoo kala u sameeyay tala soo jeedin iyo daraarano gaar gaar ah.

Wasiirka cadaalada ,arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland C/khaliif Xaaji Xasan Ajaayo oo kamid ahaa madaxdii goob jooga ka ahayd xaflaadaani caleema saarka ahayd ayaa ka sheekeeyay Taariikh koobanoo ku saabsan isimkaani cusub ee la caleemo saarayo Baashe C/laahi Maxamuud Awcismaan sheegayna inuu yahay nin ka soo bixi kara xilkaani wayn.

Bahda suugaanlayd oo iyana qayb ka ahaa xaflada Caleemo Saarka ahayd ee loo samaynayay Baashiga cusub ee Beesha reer Cumar ayaa halkaasi ka soo jeediyay Gabayo iyo BuraanBuro dhiiri Galin iyo ammaan isugu jiray….
Islaan ciise islaan maxamed islaan muuse  oo ka hadlay xafladaasi caleema sarka ahayd ayaa sheegay inay aad usoo dhawaynayaan isimkaani cusub ee ku soo biiray bahda isimada sheegyna in looga baahanyahay baashahaan cusub in uu yeeso dulqaad ,hogaan wanaagsan iyo dhexdhaxaadnimo intaba uuna ku soo beegmay xilli adag .

Baashahaan maanta la caleemo saarayay Baashe  C/laahi Maxamuud Awcismaan oo hadal kooban oo mahad celin ah halkaasi ak soo jeediyay ayaa sheegay n uusan isim u ahayn oo kaliya beesha soo dooratyay balse uu isim u yahay bulshda reer Puntland iyo soomaliya intaba.

Gabagabadii xafaldaasi caleemo saarka ahayd waxaa si rasmi ah u soo xiray madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.C/samed cali shire isooga sheegay in dowlda Puntland ay aqbashay baashigaani cusub ay soo magacadeen beesha reer cumar ilaahayna uga baryay inuu u fududeeyo xilkaasi loo magacaabay .

Dhawaanta ayaa lagu wadaa in lagu caano shubo isimkaani cusub ee Beesha reer cumar Baashe  C/laahi Maxamuud Awcismaan  ee maanta sida rasmiga ah loo caleema saaray wuxuuna qayb ka noqonayaa Golaha isimada Puntland kuwaasi oo inta badan wax ka qabta xaaladaha colaad ee soo kal dhex gala beelaha iyo maslaxada guud ee dalka.

FILO SAWIRO….

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe