Baarlamanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen xaruntooda magaalada Muqdisho waxa ay su’aalo ku weydiiyeen xubno ka tirsan wasiirada Xukuumada Raiisul wasaare Saacid

Xubnaha baarlamanka Soomaaliya ay weydiiyeen Su’aalaha ee ka midka ah golaha wasiirada ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga C/xakiim MaxamuuD Fiqi iyo wasiirada wasaarada Arimaah Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf

Waxay weydiiyeen Xubnahani golaha wasiirada ah Xildhibaanada Baarlamanka Su’aalo ku aadan Amaanka iyo weliba Hantida qaranka

Wasiirada Wasaarada Arimaha Dibadda Ahna Raiisul wasaare ku xigeen Marwo Fowsiyo Yuusuf ayaa waxaa la weydiiyay Su’aalo ku aadan Sida hantida qaranka siiba kireynta dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga iyo sababaha keenay,

Waxay sheegtay wasiiradu in arintaasi ay jirto balse ay ku wadaan baaritaan balaaran oo ku aadan sababaha dhalisay in dhismahaas la kireeyo, iyadoona sheegtay in ay wasaaradeedu ka gaabisay islamarkaana ay raali gelin kabixineyso

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Mr Fiqi ayaa isna halkaasi kaga jawaabay su’aalo ku aadan sababaha wasaarada Amaanku u ilaalinweyday xuquuqda saxaafada oo ay xabsiga u dhigtay Maxkamada ciidanka Saxafi u shaqeynayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC=da

Waxa uu wasiirku ugu jawaabay Xildhibaanada in iminka wariye Ibraahim maxamed Aadan la siidaayay ka dib wadahadalo, balse ay jireen Dembiyo ka dhashay warar uu wariyuhu ka siidaayay warbaahinta oo sheegayay in maxkamadu ay dil ku fulisay dad aan cadeyn loo heyn, taasina ay kasabtay in xabsiga loo taxaabo wariyaha mudo  maalmo ahna uu ku jiro.

Sikastaba ha ahaatee Xildhibaanada ayaa ka maqsuuday su’aalihii ay weydiiyeen wasiiradan iyadoo ay noqoneyso mid la xisaabtan buuxa ku ah golaha wasiirada xukuumada dalka .