Kulankii ugu horeeyay ka dib markii uu Baarlamanku yeeshay Gudoon cusub ayaa maanta ka dhacay howlka uu uga socdo kalfadhiga Baarlamanka Cusub ee Soomaaliyeed.

Kulankan oo uu gudoominayay gudoomiyaha cusub ee la doortay Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa looga hadlay Ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid aheyd magacaabista gudiga ka shaqeynaya Soo doorasahada Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya iyo arimo kale oo ku aadan dharinta xildhibaano horay ay u diideen gudiga farsamada oo dib loo siiyay aqoonsigooda xildhibaan nimo .

Baarlamanka ayaa isla goobta ku dhaariyay gudiga cusub ee Doorashada, iyadoona la ansixiyay in uu gudigaasi uu gudoomiye u noqdo Gen Muuse Xasan Cabdule oo ahaa sii hayihii xilka gudoomiyaha Baarlamanka inta aan la dooran gudoomiyaha cusub.

Gudigan ayaa ka kooban 16 waxaana ay shaqadoodu noqoneysaa ka shaqeynta doorashada madaxnimada Soomaaliya ee nagu soo wajahan