Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xukuumada cusub ee uu maalmo ka hor soomagacaabay wasiirka koobaad ee xukuumada DKMG ah ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaanada ayaa kulan ay maanta ku yeesheen holka ay ku shiraan ee gurigii hore ee shacabka waxaa la soo hordhigay wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada cusub ee xukuumada Soomaaliya iyagoona cod aqlabiyad leh ugu codeeyay qaab gacantaag ah in xukuumada cusubi ay ansax tahay,

Mudane yaal kor u dhaafaya 393 xildhibaan ayaa codkooda siiyay xukuumada cusub iyadoona ay diideen tiro xildhibaano ah oo aad u kooban oo gaaraya 12 xildhibaan halka shankalena ay ka aamuseen.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoona sheegay in xildhibaanada Baarlamanka ay siweyn kalsoonida u siiyeen xildhibaanada isagoona uga mahad celiyay qaabka wacan ee ay u ansixiyeen.

Raiisul wasaaraha xukuumada DKMG ah C/weli Maxamed Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugaga mahad celiyay xildhibaanada Ansixinta ay ansixiyeen xukuumadiisa, wuxuuna xukuumada cusub ee uu soo magacaabay ugu baaqay in ay ka soo baxaan howlahooda shaqo ee loo idmay.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.