Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyada xukuumada FS Sanada 2013

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen guriga ay ku shiraan waxaa ay si rasmi ah ugu ansixiyeen Miisaaniyada Dowlada Soomaaliya sanadka Soo socda 2013.

Kulanka oo ahaa maanta mid loogaga dhageysanayay gudiga horay loogu xilsaaray dib u eegista Miisaaniyada islamarkaana ay ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada Maaliyada Maxamuud Xasan Saleebaan iyo xubno kale.

Waxa ay xildhibaanada Baarlamanku dhageysteen Soo gudbintii gudiga dib u eegista Miisaaniyada waxaana ka dib hadlay wasiirka wasaarada Maaliyada oo isagana aqriyay miisaaniyada waxaana uu sheegay in dib u eegis lagu sameeyay miisaaniyada islamarkaana lagu soo kordhiyay soo jeedin ay xildhibaanadu sameeyeen.

Ka dib waxaa loo qaaday Cod gacan taag ah ansixinta miisaaniyada sanadka Soo socda waxaana xildhibaanadu ku meel mariyeen ansax cod caqlabiyad leh .

Kulan hore oo ay sidan oo kale isugu yimaadeen xildhibaanada islamarkaana lagu damacsanaa ansixinta miisaaniyada ay soo bandhigay wasaarada Maaliyada ayaa ku yimid fashil balse kan maanta waxa uu noqday mid meel mar ah.

SBC international Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII