Xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa maanta Oo isniin Ah lagu wadaa inay cod u qaadaan mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba oo muddo labo todobaad ka badan doodiisa ay taagneyd.

Xildhibaanadda Ayaa Todobaadkani Ku Mashquulsanaa Ka Doodista Mooshinka Ka Dhanka Ah Jiritaanka Baarlamanka Maamulka Jubba Ee Fadhigiisu Yahay Magaaladda Kismaayo,

Xildhibaan Maxamed Cumar Ka Mid Ah Mudanayaasha Baarlamanka ayaa sheegay in ajandaha kulanka maanta uu yahay sidii cod loo gelin lahaa mooshinka laga keenay Golaha Wakiilada Maamulka Jubbaland.

“Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegantahay 1-da bisha June, ajandayaasha waxaa ka mid ah u codeynta mooshinka Jubooyinka, akhrinta koowaad ee sharciyeynta shaqaalaha shisheeye iyo saxaafadda” ayuu yiri Xildhibaanku,

Lama oga sida wax noqon doonaan, waxaana isha lagu hayaa kulanka maanta dhici doono ee ajanduhu yahay cod u qaadista mooshinka, Ka Dhanka Ah Baarlamanka Jubbaland, iyadoo todobaadkii horena uu u baaqday cod u qaadistaas, kadib markii uu buuxsami waayay tiradii loogu tala galay ee cod u qaadi laheyn mooshinkaas oo ah saddex meelood labo meel.

Jubbaland Ayaa iyaddu Horay Ugu Hanjabtay hadii Mooshinkaasi Cod Loo Qaaddo Ay Xiriirka Ujarayaan Dowladda Fedraalka Ah, Inkasto Aan la Ogeyn Saameynta Mooshinkan Uu Ku Yeelan Karro Golaha Wakiiladda Cusub Ee Jubbaland.

SBC, News.