1
Mudanayasha barlamaanka Puntland ayaa manta su’aalo la xiriira shidaal Yemen ay ka keeni jireen qaar kamid ah ganacsada Puntland oo mudooyinkii dambe ay ka cabanayeen

Inta badan su’aalaha manta ayaa la xiriray shidaalka yemen laga keeni jiray iyo   sababta loo joojiyey  waxaana sidoo kale mudanayaasha su’aalo kawaydiyeen  faarax cali shire wasiirka maaliyada iyo wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage in maamulka Puntland  suuqa xorta ah ee Puntland ay u xirtay qaar kamid ganacsada shidaalka  keena.
Untitled2

Wasiradda oo markii ay wada dhageysten Su’aalaha ayaa mid mid uga jawaabay wax ka ogaan shahooda shidaalka la jooyiyey waxana ay ku adkeysteen in dhanka amaanka lala xiriyey joojinta shidaalka oo ganacsatadu ay aad uga hadleen tan iyo markii la xakameeyay,waxaana ay sidoo kale jawabahooda qayb ka ahaa in amarka lagu jooyiyey ay ka Helen dhanka madaxtooyada oo qoraalka lagu amaray uu ka soo baxay
Untitled1

Doodaan ayaa waxaa ay ka danbaysay kadib markii ay cabasho ay ka heleen barlamaanka ganacsatadii horay u keeni jiray shidaalkan oo qarkood ay  joogaan Garowe kulamana la qateen mudanayaasha barlamanka kaas oo aan ka dhicin xarunta barlamaanka ee Garowe.
Untitled3

Mudanayasha ayaa qarkood waxaa ay soo jeediyeen in ay ku qanceen sida ay jawabaha uga heleen wasirada maliyada iyo Dekadaha, balse ay u bahan yihin in uu soo  hor istaago Madaxwaynaha Puntland oo awal Digreto ku soo saaray jooyinta shidaalka wada sida ay u dheen wasirada manta is difacayey.

C/naasir yaasiin Salaad
SBC international Garoowe