Ka dib markii uu dhaamaday dhismihii shirkada Mubaarak ay ka waday xafiisyada guriga barlamaanka Puntland ayaa waxaa mudanayaashu barlamaanku shahaado sharaf ay ku maamuseen gudoonsiyeeen injineeradii hirgaliyey dhismaha barlamaanka ku shiraan iyo xafiisyada oo ay sheegen in loo dhisay hab casri oo ah oo raali galiyey.

Xildhibaan Axmed Bare Siicid Muuse oo mudanayasha barlamaanka Puntland ka tirsan ayaa kawarmaya sida mudanayaasha barlmaanka uga maqsuudeen dhismaha cusub isla markaana ay layaab ku noqotay habka casriga ah ee loo dhisay hoolka barlamaanka.

Injineerada C\qaadir Xaaji Ciise madaxa shirkada Mubaarak ayaa ka waramaya habka ay u dhiseen xarunta barlamaanka Puntland iyo dadalka ay ukala dhasheen ukala dhasheen injineerada ka qayb qaatay waxaana naloo diray hool cabirkiisu yahay 35mitir oo dherar ah iyo 27mitir oo balac ah waxaana naloo sheegay in la rabin in tiirar dhexda ah loo sameeyo runtii waan fulinay waaana wax ugub ah marka la eego guri intaasi leg oo aan tiirar celiya dhexda ku lahayn waxaana howshaasi qabtay injineero soomali ajinabi ah waxaana shirkada Mubaarak ka shaqaysa dhamaan deeganada Puntland waxaana uu intaasi ku daray in Boosaaso ka wadaan dhismayaal casri ah isla markaana hada ay keenen shaybaar casri ah si ay u hubiyaan tayada qalabka la loo istic malayo dhismayaasha adeegayada kale ee qabtaan

Gudoomiyaha barlamaaanka Puntland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi oo ugu dambayn shahaadooyinka guodonsiiyey injineerada ayaa sheegay uu aad uga faraxsanyahay dhismaha casriga ah ee hoolka barlmaanka Puntland isla markaana uu uga mahad celinayo shirkada Mubaarak .

Shirkada Mubaarak oo ka howl gasha int badan gobolada Puntland waxaa ka hirgalisay magaalooyinka waawayn ee Puntland dhismaayaa bilicdoodu wanaagsantahay waxaana ka howl gala injineero iyo shaqaale Somali iyo ajinabi isugu jira

Maxamed Siciid
SBC INternational Garoowe