Baarlamanka Dowladda Puntland ayaa maanta kulan ay isugu imanayan waxa ay kaga hadli doonaan arimaha federaalka iyo talabooyinka dowladda federaalka Soomaalia ka qaadaneyso maamulka lagu dhisayo Cadaado.

Kulanka Baarlamanka Puntland waxaa lagu soo qaadi doonaa arimo badan oo la xiriira dastuurka iyo baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale sida wararka aynu ku heleyno Waxaa kala qeyb gali doona kulankaas Baarlamanka madaxweynaha Dowladda Puntland.

C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu kulanka ka jeedin doonaa khubad ku saabsanaan doonta arimaha kor ku xusan ee Federaaliisimka iyo maamulka cadaado .

Faah faahin iyo wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.