Maalmihii ugu dambeeyay Mudane yaasha baarlamanka Puntland waxa ay ku howlanaayeen ka doodista Miisaaniyada Sanadkan cusub ee Puntland si ay u meel  mariyaan.

Kulankii ay Maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada ayaa ka dib dood iyo falan qeyn ka dib waxa ay ku meel mariyeen miisaaniyada ay soo hordhigtay Wasaarada Maaliyada,

In ka badan 47 xildhibaan ayaa goob joog ahaa kulanka iyadoo miisaaniyada ay si ansax ah u meel mariyeen 46 xildhibaan halka uu ka aamusay hal xildhibaa, waxaana sidaasi ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamanka Puntland C/rishiid Maxamed Xirsi.

Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa isna ka hadlay Kalfadhiga waxaana uu mahad u jeediyay xildhibaanada sida quruxda badan ee ay u meel mariyeen miisaaniyada sanadka 2013.

Samiiro C/raxmaan
SBC International Garoowe