Golah wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxa ay cod aqlabiyad ah iskugu raaceen in dowlada dib loogu celiyo ,qorshe dhawaanta loo soo gudbiyay mudanayaasha Baarlamaanka Puntland kuna saabsanaa kordhinta qiimaha ay dowladu ku badalato lacagaha shilin soomaaliga ah ee canshuur ahaanta can shuur ahaanta u soo gala wasaarada maaliyada  iya doona ay maanta goob jog ahaayeen wasiirka maaliyada ee dowlada Puntland Faarax Cali Shire  iyo agaasimaha bangiga dhexe ee Puntland.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mudanayaal gaaraya 40-mudane iyadoona mudanayasha baarlamaanku ay war bixino ka dhagaysteen wasiirka maaliya oo sheegay in warqadaani ay si khaldan ugu timid mudanayaasha Baarlamaanka Puntland .

Wasiirka Maaliyada oo ka hadlayay kulanka ayaa sheegay in qorshahaas ay Wasaaraddu u gudbisay Golaha Xukuumada taas oo markii dambe usoo gudbisay golaha Wakiilada,wuxuuna gundhig uga dhigay mid lagu daryeelayo Ciidamada difaaca Puntland si niyadooda kor loogu qaado .

Mudanayaasha  Baarlamaanka Puntland ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay qorshahaan kana codsaday Wasiirka iyo Xukuumada in ay wax kasoo bedelaan ayna ka fiirsadaan xeerarka loo soo gudbinayo golaha wakiilada Puntland.

Qorshahaan maanta wasaarada maaliyada dib loogu celiyay ayaa waxaa uu ahaa mid lagu dalbayay lacag gaaraysa ,000-shilin Soomaali ah taasi oo lagu darayo lacagaha dowlada can shuur ahaanta ugu soo dhaca xilliga canshuurta la qaadayo.

Doodaan ayaa ahayd mid kulul isla mar ahaantaan wasiirka maaliyada wax badan laga Waydiiyay su’aalo ku saabsan lacagtaani ay sheegtay wasaaradu inay kordhinayso Isagoona wasiirka dhammaanba ka jawaabayay su;aalaha mudanayaasha ,gabagabadii Ayuu wasiirka maaliyada waxaa uu kula dardaarmay mudanayaasha Baarlamaanka Puntland in dadka ay ku dhiiri galiyaan bixinta canshuuraadka xilliyada ay fasaxa ugu Baxaan deegaanadii ay ka yimaadeen isagoona xusay wasiirka maaliyada in dagma walba ,Iyo tuulo kasta lacagta ay canshuur ahaanta u bixiso ay 50% iyadu helayso laguna maal Galin doono.

Kal fadhigaan 26aad ee Baarlamaanka Puntland waa mid xasaasi ah iyadoona mudanayaashu ay wadeen muddooyinkii ugu danbaysay dhagaysiga wax qabadka wasaaradaha iyo hay’adaha ka shaqeeya deegaanada Puntland iyadoona dhawaanta lagu wado in ay mudanayaashu soo bandhigaan xog uruurintaasi ay wadeen muddooyinkii ugu danbaysay.

Filo Sawiro….

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe