Kadib dood dheer oo ay golaha barlamaanku ka yeesheen xeerkan oo ka kooban labatan(20) qodob ayaa kulankii maanta oo ay soo xaadireen 41mduane waxaa ay ku ansixiyeen  cod aqlabayad ah.

Waxaana warbaahinta faafaahin ka siiyey xeerkan la ansixiyey gudoomiyaha xuquuqul insaanka iyo arimaha qoyska ee barlamaanka  Puntland Faarax Sulub  Jaamac
waxaana uu sheegay in xeerkan ay golaha wakiiladu ka doodayeen mudo todobaad ah isla markaan maanta ay an sixiyeen ayna noqonayso markii ugu horay oo Puntland ay yeelanayso xeerka xuquuqul insaanka.

Dhanka kale  gudoomiyaha xuququl insaanka ee barlamaanka  oo suxufiyiintu  ay suaalo ka waydiiyeeen sida lagu soo xulayo qofka madaxda ka noqonaya ururka xuququl insaanka ee Puntland ayaa sheegay in qofka madaxda ka noqonaya  lagu xulan doono aqoontiis uuna ku imaanayo tartan furan oo dhamaan ay ka qayb galikaraan bulshada reer Puntland oo uu san noqonayn qof layska soo magacaabo waxaana uu intaas ku daray dadka ka qayb galidoona tartanka loo galidoono madaxa xuquuqul insaanka ee Puntland uu u furanyahay rag iyo dumar isla markaana shuruuda kaliya ee xulashadu ay noqon doonoto heerka aqoonta

Mudadii uu socday kalfadhiga todoba iyo labaatanaad ee golaha wakiilada ee Puntland waxay ku ansixiyeen xildhibanadu dhowr xeer oo ay ka mid yihiin xeerka kaluumaysiga iyo kan xuquul isaanka Puntland oo noqonaya markii ugu horaysay ee Puntland ay yeelanayso xeerka xuquuqul insaanka waxaana  sahlanaan doonta in dadka aan codka lahayn ay helaan cid u dooda oo raadisa xaqa ay leeyihiin .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe