Ka dib markii maalin nimadii shalay golaha baarlamanka Puntland ay horgeeyeen qodobo lifaaq ahaa gudiga sharuucda ee baarlamanka ayaa maanta waxa ay isku raaceen xildhibaanada ansixinta qodobadaas.

Waxaa ku lifaaqsan ansixinta qodobadaas la hordhigay Baarlamanka in xildhibaanadu ku dhawaaqeen doorashada soo socota in ay ku dhacdo qaabkii ay ku dhacday doorashada dowlada hada jirta.

waxaa loo qaaday cod gacantaag ah ansixinta doodan waxaana cod caqlabiyad ah ku ansixiyay 44 xildhibaan oo maanta fadhiyay kooramka baarlamanka Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa cod bixinta iyo qaabkii ay u dhacdya ku dhawaaqay waxaana uu sheegay in aanay jirin cid ka amustay iyo cid diidayba, ayna ansixiyeen xildhibaanada in doorashooyinka soo socda ee Puntland ay ku dhacdo qaab beeleedkii lagu soo xuli jiray baarlamanka cusub.

Dhageyso doodii xildhibaanada ee ay maanta yeesheen RIIX AMA DAAR