Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland  C.rishiid  Maxamed Xirsi oo ka hadlayay khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado waxyaabaha ka socda xarunta golaha shacabka ee fadhiga baarlamaanka Soomaaliya ee magaalda Muqdisho  taasoo naxdin ku keentay dhamaanba shacab weynaha Soomaaliyeed sheegayna inay tahay wax laga xumaado oo aan ku wanagsanayn diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban intaba.
 
Sidoo kale fegredo taa la mida ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ay ku til maamayaan aragtidooda  ku aadan arinta khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ayna qayb ka yihin dhaleecaynat loo jeedinayo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee xaalkoodu isu badalay khilaaf joogta ah iyo gacan ka hadal soo noqnoqday.

Garaad C/laahi Cali Ciid af hayeenka isimada Puntland ayaa ku tilmaamay tani inay tahay mid muujinaysa masuuliyad darada dadkii Soomaali ay masiirkooda ka dhawrayeen inaysan u qalmin isagoona uga digay umada Soomaaliyeed inay ka fiirsadaan xubnaha  danbe ee ay soo dooran doonaan xilliga xulitaanka.

Muddooyinkii ugu danbaysay waxaa soo noqnoqonayay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya qaybaha kala gadisan ee baarlamaanka Soomaaliya uuna isu badalay markii danbe gacan ka hadal taasi oo ay si wayn u canbaareeyeen shacabwaynaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan daafaha dunida khilaafka baarlamaanka ee muddooyinkii danbe soo noqnoqonaya aya salka ku haya xil ka qaadis ay sheegeen mudanayaasha qaar inay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baar lamaanka Soomaaliya ee shariif xasan shiikh aadan.
 
Yuusuf Maxamed Maxauud (Yuusuf yare)
SBC International Garoowe