Kulankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo dhawaan ay meel mariyeen xubnaha Golaha Shacabka.

Hab-dhowraha Barlamaanka Maxamed Cumar Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay in kulankii maanta ee xildhibaanada Barlamaanka federaalka Soomaaliya lagu dhaariyay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha iyo Federaalka.

“Kulankeennii Maanta waxa uu ahaa in lagu dhaariyo labada Guddi ee Madaxa Bannan ee Doorashooyinka iyo xuduudaha iyo Federaalka waa la dhaariyay haddana waa labo guddi oo u diyaarsan inay qabtaan Howsha laga sugayo” ayuu yiri Hab-dhowraha barlamaanka

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in Kulanka baarlamaanka Maanta uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha barlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari islamarkana kulanka looga hadlay waxqabadka Barlamaanka intii uu jiray.