Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay doodad ku aadan dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax.

Kulankaan waxaa shir guddoominaya guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray 175 mudane.

Xildhibaannada ayaa hadda bilaabay doodda ku aadan Qalbi Dhagax, iyadoo mudanayaal dhowr ah ay is qoreen.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo si aad ah ugu kala aragti duwan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa mid labadii todobaad ee la soo dhaafay si aad ah u saameeyay howlihii hey’adaha dowladda.

Warar ku dhow dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, halka warar kalena ay sheegayaan in kiiskan maanta lagu soo afjaro.

Dhanka kale, xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay golaha shacabka 15 hidise sharciyeed, balse waxaa laga hormarsiiyay doodda Qalbi Dhagax.