Telefishinka Al-Carabiya ee fadhigiisu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa faafiyey war la yaab leh oo ku saleysan fatwo ka soo baxdey nin la sheegay in uu yahay Sheekh oo u dhashay dalka Moroco iyadoo dood badan ay ka dhalatey fikirika uu soo gudbiyey Sheekhaasi, gaar ahaan dalka Masar oo saxaafadu arinkan si weyn u hadal hayso.

Sheik Abdul Bari Zamzami

Baarlamanka wadanka Masar ayaa lagu wadaa dhawaan in la horkeeno oo laga doodo sharci la yaab iyo Diin dhaawac ku saleysaysan oo ku aadan in la ogolaado mooshin ay soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada oo ku aadan in haweenka geeriyoodey mudo lix saacad gudahood ah ragga qaba ay u galmoon karaan taasi oo ay si ba’an uga soo horjeesteen golaha Haweenka qaranka Masar iyadoo dadku ay si weyn arinkan uga doodayaan.

Baarlamanka Masar oo ay inta badan u badan yihiin xildhibaano Islaamiyiin ah ayaa la filayaa in sidoo kale la horkeeno qaraar kale oo ku saleysan da’da guurka ragga iyo dumarka gaar ahaan in 14 sano ay u dhaxeyn karto lamaanaha Isguursanaya taasi oo macnaheedu yahay in Ninku guursan karo gabar 14 sano ka yar da’a ahaan.

Baaqa haweenka ayaa waxaa jeedisay Dr. Mervat al-Talawi oo ah madax golaha qaranka ee haweenka Masar iyadoo si toos ah ugu jeedisay baaqeeda Afhayeenka Baarlamanka Masar  Dr. Saad al-Katatni iyadoo ka codsatey in la joojiyo ansixinta sharciyada caynkaasi ah oo ay ku tilmaamtey inay aad uga soo horjeedaan haweenka Masar.

Warbixintan oo Telefishinka Al-Carabiya uu baahiyey uuna qorey Wargeyska Al-Ahram ee ka soo baxa magaalada Qaahira ee caasimada Masar ayaa waxaa lagu xusey in qaraarka ku aadan in raggu la galmoon karaan xaasaskooda geeriyoodey mudo lix saac gudahood ah geerida ka dib ay ku timid ka dib markii bishii May ee sanadkii 2011 uu fikrad caynkaasi ahi uu soo jeediyey , Wadaad u dhashay wadanka Moroco.

Wadaadka Moroco u dhashay ee soo jeedintay yaabka xambaarsan soo jeediyey ayaa lagu magacaabaa Sheik Abdul Bari Zamzami kaasi oo fikirkiisa ka jeediyey Telefishin laga leeyahay wadanka Masar isagoo ku xusey wareysi uu siiyey wargeyska gaarka loo leeyahay ee ka soo baxa dalka Mororco oo lagu magacaabo Mroco today oo uu ku leeyahay barnaamij arimaha Diinta looga hadlo.

Abdul Bari Zamzami ayaa sidoo kale wuxuu soo jeediyey in uu jiro guurka ama meherka ninka iyo haweenka geeriyoodey ilaa lix saacadood gudahood isagoo taasi ula jeeda in xitaa haweenku u galmoon karaan ragooda geeriyoodey mudada saacadaasi u dhaxeysa.

Abdul Bari ayaa ayaan aheyn markii ugu horeysay ee uu soo jeediyo hadalo muran iyo isqabqabsi dhaliyey isagoo laba sano ka hor sheegay in ay banaan tahay in haweenayda Uurka leh ay qamri cabi karto sida ay qortey Arabstoday.

 Fatwooyin kale oo ku saleysan macaamilka haweenka iyo ninka oo uu horey u soo gudbiyey Abdul Bari ayaanan u soo daabici kareyn sababo anshaxa & diinta ku saleysan, iyadoo lagu wado in soo jeedintan ninkan ay si weyn uga hadlaan culimada Islaamka, maadama hadaladan ay ku qaldami karaan dad badan oo aan aqoon wanaagsaneyn u laheyn Shareecada Islaamka.

Warbixinta fatwada ninkan ka soo yeertey ee uu baahiyey Telefishinka Al-Carabiya,isla markaana lagu daabacay bogga Internet-ka ee Tv-gaasi halkan ka daalaco.

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC News Desk London