Kulankaan ay Maanta yeesheen Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka soo qayb galay 20 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamaanka Dawlada Gobaledka Galmudug, waxana looga hadlayay Fasax dheer oo Gaaraya Mudo 45 cisho ah, Ayadoona ay qaadanayaan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug mudane Xasan Maxamud Hayl oo markii kulanka uu soo gaba gaboobay Saxaafadda Kula hadlay Gudaha Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaaladda Gaalkacyo, ayaa yiri” Maanta oo ay taariikhdu tahay 30 bsiha July waxaa la fasaxay Xubnaha Goblaha Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna fasaxa bilaabanayaa 1da bisha August ilaa 15ka bisha September maadama bisha barakaysan ee Ramadaan ay nagu soo food leedahay” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawlada Gobaledka Galmudug Ayaa ka hadlay qilaaf u dhaxeeya Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna shaaca ka qaaday in aysan jir wax qilaaf ah oo u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka, asagoona ku tilmaamay hadaladaas kuwo been abuur ah oo dad dano gaar ah leh ay sameeyeen.

Dhan walba hajirtee Fasaxa Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu inaayaa Xili maalmihii ugu danbaysay dadku ay hadal hayeen in uu jiro qilaaf u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka Galmudug, ayadoona Sidoo kale uu ku soo beegmayo fasaxa Baarlamaanka Xili maalmo qura ay ka hareen Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

liibaan C/laahi Faarax qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com