Waxaa la filayaa in baarlamaanku ay si rasmi ah u ansixiyaan qorshaha raisal wasaaraha Tharesa May , si loogu dhaqaaqo talaabo doorasho oo deg deg ah 8 bisha June ee inagu soo aadan.

Islamarkaasina May ayaa rajo wayn ka qabta in ay hesho cod ku filan ka go’itaanka midowga Yurub.

May ayaa sheegtay in talaabada doorasho ee deg dega ah ay ka wanagsantahy intii lasugii lahaa doorasho dhacda 2020 ka .

Sida lawada ogyahay Britain ayaa qorshuhu ahaa in ay ka go’i doonto si rasmi ah midowga yurub sannada 2019 bisha 3 aad.

Thresa May ayaa si lama filaan ah shalay salaasadii ugu dhawaaqday go’aankan doorasho.

Miss May ayaa jagada raisal wasaaranimo qabatay iyadoo aan soo marin wax doorasho ah, kolkii jahwareer diblumaasiyadeed uu hareeyay
aftidii loogu codaynayay ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub .

Xisbiga shaqaalaha oo ah ka mid ah xisbiyada ugu waaway mucaaradka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Raisal wasaaraha,balse waxa aan la hubin ayaa ah in ay Miss May ku guulaysato codka aqlabiyada baarlamaanka oo ah sadex meelood laba meelood.