Mudanayasha Baarlamanka Puntland ayaa la hor keenay Miisaaniyada Sanada 2012 kaasi oo Saaka loo Qaybiyay Mudanyaasha Baarlamaanka si ay uga soo Doodaan uguna Sameeyaan wax ka Dhimis iyo wax ku Daris intaba.

Ugu Horrayntii waxaa Wasiirka Maaliyada ku soo Dhaweeyay Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Salaad Xare cali oo sheegy in Maanta ay Wasarada Maaliyadu Wado Miisaniyada Sanda 2012.

Intaasi kadib waxaa lagu soo Dhaweeyay Wasiirka Maaliyada ee pPuntland Faarax Cali Shire oo Mudanayaasha Baarlamaanka ka siiyay War bixin Dheer Miisaaniyada Sanda soo socote ee 2012  iyo isbadalada Dhacay Sandaani soona Bandhigay Miisaaniyada ay Ugu tala galeen Sandaasi oo uu Sheegy inay ka Badantahay tii Sanadii Hore uuna korar jiro Sandaani.

Wasiirka Maaliyada ee Puntland  ayaa Faarax Cali Shire ayaa Sidoo kale Sheegay in Sanadaan Meelaha ay Muhiimda Siiyeen ay ubadanyihiin Arrimaha Bulshda iyo koru Qaadida Mushahaarka Macallimiinta oo uu Awal Sheegay in uu Aad uga Hooseeyay Mushaarka Shaqaalah kale ee Dowlada  Sidoo kalana ay soo kor Dhiyeen 200 oo Macallin sidoo kala ay kor u Qaadis ku Sameeyeen Kalkaaliyaasha Caafimaadka iyo Mushahaaraadka Ciidanka Dowlada.

Faarax Cali Shire ayaa sidoo kale Sheegay Meelaha ay ka imanaysao Miisaaniyada sanda 2012 oo uu sheegay inay ugu Badanyihii Dakada , Garoomda Diyaaradaha iyo goobaha kantaroolada ah .

korarka miisaaniyada waxaa ay ku micneeyeen Wasarada maaliyadu in ay kharashaadka mushahaarka ay u kor dhiyeen qaybo ka mida wasaraha ka shaqeeya arrimaha bulshada
Mudanayasha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa inay ka soo Doodaan Miisaaniyadaani kuna Sameeyaan wax ku Daris iyo Dhimis intaba iyadoona Kalfadhiga 27aad ee Baarlamaanka Puntland Sanadaani ay ku Ansixiyeen Sharciyo Dhowr ah oo ay u soo Gudbiyeen Golaha Xukuumadu tanina ay Qayb ka tahay.

DAAWO SAWIRADA








Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe