Kal fadhigii 27aad ee Baarlamaanka Puntland oo muddooyinkii ugu danabysay ka socday Magaalada Garowoe ayaa waxaa la hor keenay maalinimadii shalay ahayd Xeerka Afti u qaadida Dastuurka Dowlda Puntland.iyadoo ay goob joog ka Aheeeyeen Guddiga Doorashooyinka Puntland, xeerkani Ayaa Mudanayaasha Baarlamaanku ay ka doodeen iyagoona gabagabadii cod u qaaday .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiir Maxamed Xirsi oo ku dhawaaqay natiijada codayntaasi  iyo inta mudane ee u codaysay xeeerka afti u qaadida Dastuur ka Puntland ayaa xusay xeerkaania ay si rasmia h u ansixiyeen mudanayasha baaralmaanka pntland iyagoo ay u Codeeyeen 37mudane ogolaansha Xeerkaani ,Uuna si rasmi ah u dhaqan gali doono marka uu ogolaado Madaxaynaha Dowlada Puntland uuna ku soo saaro faafinta  Rasmiga ah.

Guddoomiya Baarlamaanak Puntland ayaa ansixinta xeerkaasi kadib waxaa uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre Isagoo ka soo sheeyay qaabka ay ku yimaadeen guddiga Doorashooyinka Puntland isagoo sheegay in uu ku yimid Guddigaasi dadaal dheer oo uu muujiyay Madaxwayanah Dowlada Puntland Dr.Farool uuna qayb ka ahaa Guddigaani geedi socodka Dimuqraadiyadaynta Puntland iyo ka guurista Nidaamka ku Dhisan hab Qabaa’ilka iyadoo loo guurayo habka Dimuqraadiga ah ee xisbiyada Badan, Maxamed Xasan Barre ayaa sidoo kale sheegay in si arrintaasi loo gaaro la sameeyay Dastuurka Dowlada Puntland oo ahaa mid muddo laga Shaqaynayay Kaasi oo ay soo an sixiyeen Golalaha Wasiirada kadibna loo soo gudbiyay Golaha wakiilada ayna qayb ka ahaayeen guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaasi oo uu sheegay in lasaaray dhowr waajib oo ay Tan maanta la Ansixiyay ay qayb ka ahayd .

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa u mahad celiayay Madaxwayanha Puntland iyo dhammaanba dowlada qaybaheeda kala gadisan oo uu sheegy inay ku dadaaleen in Puntland ay u guurto habka Dimuqraadiyada Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in maanta Baarlamaanak ay u qaybiyeen xeer kale kaasi oo ogalaansha Xisbiyada Badan ku waasi oo lagu wado in ay ka dhaqan galaan deegaanda Puntland.

Barkhad Cali Salax waa xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland kaalinta ay dumarku ku leeyiin Doorashooyinka Puntland “waxaa la siiyay Dumarka 20% ergooyinka la soo xulayo si ay ugu codeeyaan Dastuurka Dowlada Puntland Waxaana loo siiyay Bulshadeena 75%waa dumar waxayna leeyihiin xaq gaar ah maadaama ay u badantahay Bulshadii”ayuu yiri Barkhad Cali Salax.

Ansixinta Xeerkaani ayaa qayb ka ah Xeerar ay Mudanayaasha Baarlamaanak Puntland mudooyinkii ugu danbaysay ka doodayeen iyagoona horay u soo ansixayay Xeerarka Kalluumaysiga Puntland iyo Xeerka Xuquul insaanka kanina waxa uu Noqonayaa Xeerkii Sadaxaad isagoo lagu wado in uu hor seed u noqdo Geedi Socodka Dimuqraadiyada Puntland.

Yusuf maxamed maxamuud {yusuf yare}