Wasaaradda maaliyada ee dowladda Puntland ayaa maanta hortagtay mudanayaasha Baarlamaanka si ay u soo ban dhigto miisaanayada sanada 2010, Iyadoona wasaaraada maaliyadu horay ugu qaybisay mudanayaasha nuqulo ku saabsan miisaaniyadaan.

Wasiirka maaliyadda ee Dowlada Puntland Faarax Cali Shire ayaa mudanayaasha hortooda ka aqriyay maasaaniyad sanadeedaka 2010 ,Isagoona kadib  xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyad sanadeedka cadadeeddu ay dhantahay . 80097bilyan 973700 ee maanta  ay soo bandhigtay wasaaradda Maaliyadda Puntland..

Mudanayasha ayaa kadib si wanaagsan usoo dhaweeyay  Miisaaniyada sanaeedka uu soo bandhigay wasiirka maaliyadda, Iyagoo xusay in wadanka uu soo maray xaalado kala duwan  oo kamid tahay waqtigii abaarta oo la xausuusto in wasaarada maaliyada qeyb wacan ay ka qaadatay iyo dagaaladii gudaha iyo dibada ah ee kadhacay Puntland.

Su’aalo waydiinta mudanayaasha barlamaanka  iyo jawaabcelin wasiirka maaliyada  ayaa kadib guddoonka baarlaanka uu  ku dhawaaqay in loo qaado cod gacan taag ah miisaaniyad sanadeedkaan, Iyadoona ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 39 xildhibaan oo ka mid ahaa mudanayaashii soo xaadiray fadhagii  maanta  .

Gudoomiyaha baarlamaanka puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo intaasi kadib saxaafada lahadlay ayaa xusay in baarlamaanku sanad walba ay yeeshaan laba kal fadhi kal fadhiga bisha juuna uu ku magacaabanyahay xisaab xirka sanadii la soo dhaafay halka kal fadhiga labaadna ay ku ansixiyaan mudanayaashu miisaaniyada sanada cusub.

C/rashiid maxamamed xirsi ayaa ku dhawaaqay inay maanta fadhiyeen 41mudane 39 ka mid ahna ay ogolaadeen miisaaniyada ay soo bandhigtay wasaaradda maaliyadda.

Muddooyinkii ugu danbaysay ayaa barlamaanka Puntland  waxaa ay wadeen la xisaabtanka qaybaha kala gadisan ee wasaaradaha puntland, wasaarada maaliyaduna waxa ay noqonaysaa hay’addii ugu danbaysay ee hor timaada golaha wakiilada ee puntland, Iyadoona ay cod aqlabiyad ah ku an sixiyeen mudanayaasha miisaaniyad sanadeedkii 2010 .

Daawo Sawiro



Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe