Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa Maanta in la horgeeyo Hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada si ay uga doodaan uguna Codeeyaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta oo Sabti ah Golaha Shacabka la horgeeyndoono Hintise Sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero  ladagaalanka Argigixisada.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Sharcigaa horay u Ansixiyay,waxaana ilaa Sanadkii 2014-kii uu ahaa mid soo Jiidamayay.

Sharciga la dagaalanka Wax loogu yeero Argagixisada ayaa Muhiim u ah Dowladda federaalka Soomaaliya oo Dagaal kula jirta Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan dooneyn in Sharcigaan la meel mariyo.