Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya oo tiradooda kor u dhaafeysa 300 oo xildhibaan ayaa waxay manta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho si adag uga hadleen in wax ka badal lagu sameeyo cabirka Badda soomaaliya oo mudooyinkan la hadal hayay in wax laga dhimo doono.

Xubnada Baarlamaanka ee kulanka fadhiyay ayaa waxaa shir gudooinayay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey waxaana ay soo saareen qodobo ka kooban 6 qodob oo kala ah:

1.in lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee la dajiyay sanadkii 1988 dii

2.in hay’adaha dastuuriga ah sida Madaxtooyada Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahaan in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ku sameeyaan Xad badeedka Soomaaliya.

3.Waxaa la laalay ama la buburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee lala galay hay’ado, dowladaha deriska ah iyo ururro caalami ah islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii janaayo sanadkii 1991kii.

4. xadgudub kastaa oo loo geysto badaha Soomaaliya waxaa loo aqoonsanayaa duulaan bareer ah oo lagu soo qaaday qarannimada iyo siyaasada Soomaaliya.

5.Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman dowladaha deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah.

6.Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno qaran.

Qodoboda ka dib ayaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadeen in ay aqbalayaan qodobaadaasa waxaana u codeeyay in ka badan 320 xildhibaan oo fadhiday fadhiga baarlamaanka.

Baarlamaanka ay ka dalbaday golaha xukuumada in la hor keeno heshiisyada ay la gashay shirkadaha gaarka si iyagana looga dodo arimahaas oo idil.

SBC International  Monitoring