Barlamanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku sheegeen Magaalada Gaalkacyo waxa ay xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.
 
Xildhibaanada Baarlamanka ee Maanta Soo xaadiray Xarunta Baarlamanka Galmudug ayaa Tiradooda lagu sheegay 17 Xubnood oo dhamaantood u codeeyay in Xilkii ay ka qaadeen Col,Caalin,iyagoo ku eedeeyay ilaa 10 qodob oo ay ka mid yihiin in Madaxweynuhu uu si aad ah u quursado Kaalinta iyo Waajibaadka Baarlamanka Islamarkaana uu soo abaabulay Falal lagu wax yeeleeyay Xildhibaano ka tiran Baarlamanka Galmudug
 
Xildhibaanada soo gubiyay Mooshinka Xilka looga qaadayo madaxweeyne caalin ayaa sidoo kale ku eedeeyay inuusan Tixgalin islamarkaana aanu la tashan Dhamaan Golayaasha Dowlada Taasoo keentay ayey Yiraahdeen inuu had iyo goor qaato Tilaabooyin Qaldan.
Mudanayaasha Mooshinka soo gubiyay ayaa si dookale Madaxweynaha ku eedeeyay inuusan Baarlamanka Galmudug usoo gubin inuu ansixiyo Xaaladda Deg deg ah ee uu dhawaan ku dhawaaqay.
 
Sidoo kale Madaxweynaha waxay ku eedeeyeen Mudanayaashaa Baarlamanka inuu ku tagri falay Hantida Umadda Islamarkaana uu safaro aan micno badan ku fadhin uu dalka dibadiisa ku marayay mudadii ay Galmudug ku jirtay Xaaladii ugu Xumayd.
Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Xasan Maxamuud hayl oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kal fadhiga maanta ay soo xaadireen 17 xubnood dhamaantoodna ay iku raaceen in Xilka laga qaado Madaxweeynaha galmudug
 
Mudane Hayl waxa uu intaas ku daray in ay Madaxweynaha ka codsadeen inuu horyimaado Baarlamanka Galmudug hase ahaatee uu arintaas diiday.
Col,Caalin oo aan Xiriir la sameynay ayaa Gashaanka ku dhuftay Xil ka qadista ay Maantka ku sameeyeen Mudanayaasha Baarlmanka isagoo sheegay inaysan soo Xaadirin xarunta Baarlamanka Galmudug Xildhibaano aad u badan wuxuuna tilmaamay inay iskugu yimaadeen Xubno Dano gaar ah leh.
Sikastaba ha ahaatee Xil ka qaadista Maanta ay Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ay ku sameeyeen Col,Maxamed Axmed Caalin ayaa ku soo aadaysa Xili Col, Maxamed Axmed Caalin uu dhawaan sheegay inuu wax badan ka qaban doono arimaha Amaanka ee Deegaanada Galmudug Islamarkaana uu Maamulkiisu Tilaabo dhinaca Hormarka ah uu qaadi doono 
 
Sikastaba ha ahaatee Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ayaa dhankiisa wareysi uu siiyay warbaahinta waxa uu ku beeniyay in xilka laga qaaday, isagoona sheegay in rag albaabada qol ku soo xirtay ay xilka qaadis ku sameeyeen balse aan loo dhameyn arinkaasi ka Caalin ahaana uusan aqbaleyn.
 
Liibaan c/laahi faarax qaran.
SBC International Gaalkacyo