Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulankii ugu horeeyay ku yeelanaya Xildhibaanada Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya kuwaasi oo habeenkii xalay lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanadan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa Shir gudoomin Doona Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka oo ah ninka ugu da’da Weyn Baarlamaanka Xilligan Gen. Muuse Xasan Cabdulle.
Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee manta ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa ay uga arinsan doonan qaabka ay u dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa Waxaana ay xildhibaanadan ka tashanayaa habka Baarlamaanka u wajahayo Amuurahan.
Baarlamaanka Ayaa sidoo kale wada qabashada Arjiyada U tartamayaasha Xilka Gudoomioyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa waxaana ay Shaaciyeen Xilliga ay dhaceyso Doorashadaas oo ay ku sheegeen 26-ka Bishana ay dooran Doonan Gudoomiye Cusub.
Wixii ku soo kordha kala Soco Allsbc.com
Daalacatey :327