Mudanayaasha Barlamaanka Puntland ayaa Maanta cod aqlabiyada ku Ansixiyay Misaaniyada Sanada Soosocota ee  2012 kadib Markii ay ka Doodayeen Maalmihii la soo Dhaafay oo ay Wasarada Maaliyadu horay ugu gaysay Xildhibaanada  Misaaniyad Korarkeedu uu siyaado ahaa  taas oo  ay Mudanaayasha Baarlamaanku ku Ansixiyeen 48 Cod oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamuud  Xirsi.

Wasirka Wasarada Maaliyada Puntland Farax Cali Shire oo Warbaahinta la Hadlay kadib Ansixintii Barlamaanka Misaaniyada ayaa ka Waramay Cadadka lacagta la Ansixiyay Maanta iyo Waxaa ku siiyaaday Sanadaaani isagoo sheegay in Sanaadaan Miisaaniyaa laqiyaasay iany noqoto 96,557,000,000 Sh.so.isagoona sheegay in Sanadaan Miisaaniyadu Korartay Lacag Dhan 6,557,000,000 Sh.so Taasi oo Muujinaysa in uu jiro Sanadaan korar Dhanka Dakhliga ah.

Wasirka oo wax la Waydiiyay waxa keenay in Sanad walba ay Siyaado Lacaga Kharaashaadka Misaniyada ay keenayaan Barlamaanka ayaa Sheegay inay kor Dhiyeen Sanadaan Lacagaha Ku Baxa arrimah Bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo kor u qaadis lagu sameeyay Ciidamada Puntland .

Korarkaan Misaaniyada ee Sanadaan ayaa waxaa ay ku Micneeyeen Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadu  in Kharaashadka loo kor Dhiyay qar ka mida Wasaradaha Puntland Gaar ahaan  Kuwa ka Shaqeeya Arimaha Bulshada iyo Cidaamada Puntland  inkastoo Barlamaanku uusan ku Celin Wasaarada Sanadaani Miisaaniyada  Mudo gaabana ku Qaadatay Asnixinta Misaniyada Oo ay horay Mudo uga Doodi jireen iyadoona  Warbaahintina Banaanka ka Joogtay Maanta  ansixinta Miisaaniyadaasi .

Yuusuf Maxamuud Maxamed
SBC International Garoowe