Baaq nabadeed oo fariimaha Inernet-ka SBC lagu soo gaarsiiyey ayaa loogu baaqay beelaha walaalaha ee colaadu ku dhaxeyso ee mudooyinkii ugu dambeeyey gobolka dilalku ku dhexmarayeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari in dilalka iyo colaada ku badalaan nabad & walaaltinimo, iyadoo maamulka Puntland loogu baaqay in uu siidaayo odayaasha beelahaasi ka soo jeeda ee magaalada Boosaaso lagu xir xiray.

Baaqay ayaa waxaa na soo gaarsiiyey Maxamed Cabdi Siciid (Sagac) oo sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Puntland Diaspora From-India, waxaana uu ku bilaabay baaqaiisa.

Gudoomiyaha    Puntland Diaspora forum –India oo baaq nabadayn ah ka   kasoo saaray colaada  gobolka beri …

 Gudoomiyaha punt land Diaspora forum India  , Eng Mohamed Abdi Said (Sagac) , ayaa ku baaqay, in  Colaada kasoo cusboonatay, gobolka Bari, si deg deg ah  loo joojiyo,laguna badalo,jawi nabadeed , arinta Dilalka ah dhex martay,labada beelood oo walalaha ah iyo ood wadaagta, waa in la joojiyah, arinku wuxu noqonaya , kaa dhimay kugu dhimay.

Shacabka  Puntland maanta xalad adag ayu ku jiraa kama bixi karaan dagaal sokooye danteenu waxay ku jirtaa in aynu amaanka aan ka wad shaqayno si wada jir  ah  shacab iyo Maamulkaba arinta colaada  labada beloood walaalo ah, waxaan ku baaqayaa in loo istaago sidi loo joojin laha,arintan waa in ay u kacaan cuqaasha culumada dhalinyarada, hawenka , dhaman inta Nabad jacel oo dhan si  loo helo jawi  nabaded  islaax iyo sulux keeni kara

Talo ku socotah dawlada Puntland  ee Soomaliyed

Aad ayan ula dhacsanahay, sida mamulka  ugu dadalayo, wax qabashda amaanka, in kasto wax yaabo bdan qabyo yihin.

Sida maamulka gobolka Bari isugu dayayo  in la xakameeyo  colaadan waa mid  wanagsan mahad gaar ah u jeedinayaa, Gudoomiyaha gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf iyo duqa magalada Boosaso,  Maxamuud Faarax Beeldaaje laakin waxan ku baqaya, in lasoo daayo wax garadka iyo siyaasinta  labada beelod laga xiray, si loo helo jawi nabadeed xal lo helo, chance la siiyo , in labada beelo ee wada dhashay  arintooda dhexdooda ka dhamaystan, si wada jir ah .

Saxaafada Puntland, waxan ugu baqayah, in ay  samayeeyan, barnamijyo,nabada ka hadlaya saxaafada wa isha  kaliya dadka lagu baraarujin karo, reer Puntland waxan idin rajeyyey, guul iyo nabd iyo  wada jir.

 

President Puntland Diaspora Forum India ,
Eng Mohamed Abdi  Said (Sagac)
India, new Delhi,  cell: 00919999029793
Email: caraalesaid@gmail.com