New York :-Xoghayaha guud ee QM Baan Kii Muun ayaa ka dalbaday xukuumadda Yuhuuda in ay ka qaado cunaqabatynta dhaqaale ee ay ku soo rogtay maamulka madaxweyne Cabaas kadib heshiiskii ay wada saxiixdeen Hoggaamiyaasha labada koox ee ugu weyn ee isku haya siayaasada Falastiin ee Xamas iyo Fatah.Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Yuhuuda Binyamiin Nitanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiskaas in uu yahay mid mideenaya kooxo argagaxisa ah islamrkaana Isra’el ay qaadi doonto talaabada ku haboon. 

Xukuumada Yuhuuda ayaa joojisay lacagaha canshuuraha ee ay kasoo ururin jirtay meelaha ay heysato ee dhulalka Falastiin oo ay siin jirtya xukuumadda falastiin kadib heshiiskii ay wada gaareen dhaqdhaqaqa Xamas iyo fatax.

Waziirka maaliyadda Isra’el ayaa sheegay in lacagahaasi aysan u gudbin doonin xukuumadda Faltiin si aysan gacanta ugu galin dhaqdhaqaaqa Xamas.

Dhanka kale Xukuumadda Falastiin ayaa ka dalbatay beesha caalamka in ay wax ka qabato lacagta ay goosatay Isra’el oo ay ku sheegtay in 70% ay tahay waxyabaha ay ku tiirsan tahay maamulka Falastiin.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring